Guddiga doorashooyinka heer federaal oo shaaciyey maalinta la dhaarinayo xildhibaannada cusub

0
399

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray jadwalka soo xareynta xildhibaannada la doortay ee baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, iyadoo la qorsheeyey in ugu dambeyn 14-ka bisha Afaraad ee sanadkan la qabto xafladda dhaarinta mudanayaasha labada Aqal ee golaha shacabka dalkaasi.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in Maanta ay soo aruurinayaan dukumintiyada Xildhibaannada, halka 24-ka bishan ay mid mid u hubinayaan Xildhibaannada labada Aqal ee la doortay.
Sidoo kale Guddiga waxaa ay shaaciyeen in Guddoomiyaha Guddiga uu 31-da bishan ku dhawaaqi doono natiijada guud ahaan Xildhibaannada dooran, halka 2-da bisha soo socoto la xareyn doono dhammaan mudanayaasha labada Aqal si loo dhaariyo 5-ta bisha Afaraad.
Ugu dambeyn Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa sheegay in 11-ka bisha soo socoto ay Xogheynta Golaha ku wareejinayaan xogta iyo liiska Xildhibaannada, sidoo kalena 14-ka isla bishaasi guddiga oo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay qaban qaabinayaan Xafladda dhaarinta Xildhibaannada.
Hayeeshee Jadwalkaan kasoo baxay Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa kasoo horjeestay Maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyaga oo sheegay in uu yahay mid sharci darro ah.