Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in sheekha caanka ah ee Sh Aadan Sunne uu ka baxsaday Somaliland islamarkana uu aaday dhanka koonfurta dalka Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Ammaanka ee jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Xuseen Maxamad oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in wali ay wadaan baaritaannada la xiriira baxsashada sheekha.
Waxaa uu wasiirka sheegay in Sheekha uu dhammaan qoyskiisii soo rarartay sidoo kalena aysan ilaa iyo hadda meel ku sheegin, balse ay baadi goob ugu jiraan.
“Warka aan heyno wuxuu inoo sheegayaa in niman ay saaxibo yihiin oo koonfurta jooga oo berrigii horeba lagu xaman jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay”
“Wararka nasoo gaaraya waxay sheegayaan in uu ku sugan yahay gobolka Jubbada Dhexe” ayuu yiri Cabdillaahi Xuseen.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay kaga shakisan yihiin in uu ku biiray kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya, inkastoo aysan hubin sida uu sheegay.
Sheekha ayaa horay baaritaanno ay ku sameysay Somaliland, waxaana dhowr mar xabsiga dhigay booliska, iyadoo damaanad lagu sii daayay.