Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay dhaqangelinta qaraarka 1540 ee uu sanadkii 2004-tii golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka soo saaray adeegsiga hubka.
Waxay dowladdu xubnaha golahan ugu baaqday inay dhaqangeliyaan xeerarka wax ku oolka ah ee mamnuucaya in maamul aan dowli ahayn uu soo saaro , helo , lahaado , horumariyo , gudbiyo ama uu isticmaalo hubka burburka wayn gaysta ee (WMD) .
Kenya ayaa shirka golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka sheegtay in isticmaalka hubkan iyo siyaabaha lagu gudbiyo ay halis ku tahay nabadgalyada caalamka iyo amniga sida ku cad qaraarka tirsigiisu yahay 1540.
Dowladda dhexe ayaa xustay in sida keliya ee arrintan wax looga qaban karo ay tahay in waaxyaha aan dowliga ahayn si buuxda hubka looga dhigo.
Qaraarka 1540 ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay waxaa uu dhigaya in dhammaan dowladaha laga doonayo inaysan maamul aan dowli ahayn ku taageerin sidii uu hub ku heli lahaa qaab ay ahaataba oo ayna dhaqangeliyaan nidaamyo looga hor tagaya sare u kaca adeegsiga hubka.
At the #UNSC briefing on the 1540 Committee on WMD,
1. Kenya called on members states to adopt and enforce appropriate effective laws which prohibit any non-State actor to manufacture, acquire, possess, develop, transport, transfer or use of WMD’s and their means of delivery. pic.twitter.com/4vhhIJvQXW
— Permanent Mission of Kenya to the UN 🇰🇪 🇺🇳 (@KenyaMissionUN) March 14, 2022