Waaxda IMLU oo bogaadisay hakinta howlgalkii ka dhanka ahaa mootooyinka

0
352

Waaxda madaxa bannaan ee bixisa adeegyada sharciga ee dhanka caafimaadka ee (IMLU) ayaa dowladda dhexe ku ammaantay go’aanka ay si ku meel gaar ah ugu hakisay howlgalkii amni ee lagu bartilmaameedsanayay wadayaasha mootooyinka.
Madaxa fulinta ee IMLU Peter Kiama ayaa dowladda ku boorriyay inay la timaado qaabab maxalli ah oo lagu xallinaya caqabadaha dhinaca ammaanka oo ay ka mid tahay wadayaasha mootooyinka ee aan nidaamka dastuuriga ilaalin.
Kiama ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay ka hor tag u noqonaysa in ciqaab wadareed ay saameyso shakhsiyaad aan wax dembi ah galabsan.
IMLU ayaa dowladda dhexe ugu baaqday inay ismaamullada la kaashato xallinta dhibaatooyinka amni.
Shalay ayay ahayd markii waaxda qaran ee adeegga booliska ay soo saartay bayaan ay ku shaacisay in howlgalka uunan sii socon doonin si culeyska looga dulqaado shakhsiyaadka sida habboon qutul maalmeedkooda uga soo saara ganacsigan.