Boqortooyada Ingiriiska ayaa shaacisay in qoysaska ka midka ah muwaadiniinteeda ee muddo 6 bilood ah soo dhaweeya oo hooy siiya dadka ka soo barakacay dagaalka Ukraine ay bil walbo dowladda ka heli doonaan lacag dhan 350 Pound una dhiganta 456 doolar.
Dowladda dalkaasi ayaa ku dadaalaysa inay xalliso carada ka dhalatay qaabka ay uga falcelisay xaaladda qaxootinnimo ee ka dhalatay weerarrada Ruushka ee Ukraine.
Xaaladdan ayaa lagu tilmaamay midii ugu baaxadda waynayd ee soo foodsaarto qaaradda Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.
Lacagta ay boqortooyada Ingiriiska u ballanqaaday shacabkeeda ayaa waxaa helaysa cid kasta oo qaxooti ka soo jeedo Ukraine siisa hooy xita hal qol hadii uu yahay ama hanti.