Shariif Xasan “Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa iga hor istaagay in aan u duulo Baydhabo”

0
583

Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa laga hor istaagay in uu ka duulo magaalada Muqdisho xilli uu ku wajahnaa Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan wuxuu kamid ahaa musharraxiinta u tartameysa doorashada Golaha Shacabka ee Koonfur Galbeed.
Waxaa uu sheegay in duuliyihii diyaaraddii uu raaci lahaa uu u sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu soo faray amar asaga loogu diiday in uu u duulo Baydhabo.
“Aniga waxaan rabay in aan Baydhabo aado maadama kursiga reerkeyga ay ku calaamadeysan yihiin lasoo dhajiyay uu yahay 261, tolkeygana wey ii yeereen in aan Baydhabo aado, maanta ayaan diyaaraddii ballansanayn, markaa diyaaraddii masoo kici karta baa la yiri, masoo qaadi kartid baa lagu yiri ninkii duuliyaha ka ahaa diyaaradda laakiin waxaan rabay in aan ka qaybgalo waana la diiday in aan meesha tago” ayuu yiri shariif Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here