DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya amiirka Qatar

0
662

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku hooyday dalka Qatar ayaa maanta halkaas ka billaabaya kulamo kala duwan oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulan la qaato amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.
Afhayeenka Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdirashiid Maxamad Xaashi ayaa sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadli doonaan xaalidihii ugu dambeeyay ee Gobolka, danaha wadajirka ah ee ka dhexeya Labada Shacab ee Walaalaha ah, xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashigooda miro dhalka ah.

Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayaa Madaxweyne Farmaajo uu la kulmay Amiirka dalka Qatar xilli uu booqday dalkaasi, waxaana booqashada uu halkaasi ku tegay ay ku beegmeysaa xilli lagu guda jiro wakhti doorasho, islamarkaana dowladda Qatar ay saameyn we=ayn ku leedahay dalka Soomaaliya gaar ahaan dhanka codeynta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here