Ukraine oo sheegtay in Ruushka uu doonayo in uu la wareego biyo xireenka xarun korontada laga dhaliyo

0
422

Milateriga dalka Ukraine ayaa ka digay in ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday wadankaasi ay doonayaan inay qabsadaan biyo xireenka xarun koronto oo muhiim ah oo ku taalla koonfurta magaalada caasimadda ah ee Kyiv.
Warbixin ay saaka soo saareen ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa sheegay in Ruushka uu qorsheynaya in uu la wareego biya xireenka korontada laga dhaliyo ee Kaniv, oo ku yaalla meel 150 kiilomitir koonfurta Kyiv ka xigta wabiga Dnieper.
Ilaa hadda, ciidamada Ruushku waxay burburiyeen, weerareen ama qabsadeen dhowr xarumood oo kaabayaasha tamarta ah, oo ay ku jirto warshadda tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub ee Zaporizhzhia ee ku taalla magaallada Energodar ee wadanka Ukraine..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here