Kenya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay xoojinta xiriirkooda

0
322

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa xalay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo kulan kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisha dowladdaasi.
Kulanka oo ay sidoo kale ka qayb galeen madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi, barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru, xildhibaanka deegaanka Township Aadan Barre Ducaale iyo Ababu Namwamba oo ah madaxa arrimaha dibadda ee ololaha madaxweynenimo ee William Ruto ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadidda xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeya dowladaha Kenya iyo Maraykanka.
Mas’uuliyiinta uu Ruto hor kacaya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Kenya garab lagu siiyo horumarka dhanka dimuqraadiyadda ee ka jiro.
Dowladda Maraykanka ayaa dhankeeda xaqiijisay inay Kenya ku garab taagan tahay sidii ay bisha Siddeedaad ee sanadkan uga dhici lahayd doorasho guud oo xor iyo xalaal ah.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa dowladda Maraykanka uga mahadceliyay taageeradeeda dhinaca caafimaadka gaar ahaan la dagaalanka cudurrada AIDS-ka, qaaxada , duumada iyo COVID-19.
Sidoo kale waxaa uu Ruto soo dhaweeyay qorshaha Maraykanka ee uu magaalada Nairobi uga sameynayo maalgelin ku aaddan soo saaridda dawooyinka tallaalka.