Milkiilaha kooxda kubadda cagta Chelsea ee ka cayaarta horyaalka Ingiriiska Roman Abramovich oo u dhashay dalka Ruushka ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu go’aansaday inuu ka dhexbaxo cayaaraha, soona gabagabeeyo mulkiilenimadiisii Chelsea ee 19-kii sannadood oo uu iska lahaa.
War-saxaafadeed uu hadda soo saaray Roman Abramovich ayuu ku sheegay, inuu go’aansaday inuu iibiyo Chelsea oo sanadkii 2003-dii uu iibsaday, lacag badanna geliyay.
Ka dib maalmo la isla dhexmarayay in dowladda boqortooyada Ingiriiska ee UK ay la wareegayso naadigan, islamarkaana ay xayiraado kusoo rogayso hantida Ruushka laga leeyahay ee taalla UK, ayaa waxa maanta soo baxday in Abramovich uu doonayo inuu iibiyo, waxayse wax walba u muuqanayeen inay tahay kutiri kuteen ilaa laga soo gaaray hadda oo uu Abramovich ku dhawaaqay inuu iibinayo kooxdan.
War-saxaafadeed lagu daabacay website-ka kooxda Chelsea ayaa uu Abramovich ku yidhi: “Waxa aan jeclaan lahaa in aan ka hadlo hadal haynta warbaahinta dhex socotay maalmihii ugu dambeeyey ee la xiriiray mulkiyaddayda kooxda kubadda cagta Chelsea”
“Sidii aan horay u xaqiijiyay, waxa aan mar walba qaadan doonaa go’aanka u wanaagsan kooxda ee ay danta naadigu ku jirto maadaama aan jeclahay kooxda, aniga oo eegaya xaaladda hadda, waxa aan go’aan ku gaaray in aan iibiyo naadiga, waxaanan rumaysanahay in ay sidaasi u wanaagsan tahay kooxda, taageereyaasha, shaqaalaha iyo sidoo kale shirkadaha naadigu xayaysiiyo iyo kuwa la shaqeeya.
Roman Abramovich ayaa gacansaar la leh madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ee duullaanka ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine.
Statement from Roman Abramovich.
— Chelsea FC (@ChelseaFC) March 2, 2022