Maamulka gobolka Gedo ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid guddigii uu ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble u magacaabay qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Garbahaareey ee maamulka goboleedka Jubbaland.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee dowladda federaalka Soomaaliya, Axmad Buulle Gareed ayaa sheegay in shacabka gobolkaasi iyo maamulkooda aysan ku qanacsaneen guddiga uu rw Rooble u magacaabay qiimeynta in doorashada lagu qaban karo magaalada Garbahaareey.
Axmad Buulle Gareed ayaa sheegay in Cumar Maxamad Cabdulle (Cumar Dhagee) ahna guddoomiya guddiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay inay soo indha indheeyaan in doorasho lagu qaban karo Garbahaareey uu doonaya inuu khalalaaso ka abuuro magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.
Guddoomiye Axmad Buulle Gareed ayaa dhanka kale baaq u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu yiri guddomiye Axmad Bulle Gareed
Hadalkan ayuu guddoomiyaha maamulka gobalka Gedo ka sheegay xilli uu maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Guddiga uu rw Rooble magacaabay ayaa la filayaa inay gaaran magaalada Garbahaareey si ay uga soo tala bixiyaan qaabka magaaladan ay uga dhici karto doorasho.