Ciidamada Ruushka oo ku hareereysan magaalada Kherson ee koonfurta Ukraine

0
608

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada Ruushka ay ku hareereysan yihiin magaalada Kherson ee koonfurta dalka Ukraine.
Waxaa sidatan ku warramay suxufi iyo sarkaal maxalli ah.
“Magaaladu dhab ahaantii waxaa ku hareeraysan askar badan oo Ruush ah iyo qalabkooda milatari, waxay dhigteen isbaarooyin meelaha looga soo galo magaalada” ayuu yiri suxufi lagu magacaabo Alyona Panina oo la hadlay teleefishinka Ukraine 24.
Magaaladan ayaa u dhow gobolka Crimea oo ay Moscow maamusho.
Duqa magaalada Kherson Igor Kolykhayev ayaa sidoo kale bartiisa Facebook-ga ku soo daabacay “ciidamada Ruushka waxay jidgooyo dhiganayaan meelaha laga soo galo Kherson,”
Kherson, waxa ku nool dad lagu qiyaaso 280,000, waxaana ay dhacdaa waqooyiga jasiiradda Crimea, oo ay la wareegtay Moscow sanadkii 2014-kii.