Maxkamadda qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa la filaya inay maanta xukun ku riddo Ben Gethi oo ka mid ahaa shakhsiyaad lala xiriiriyay fadeexaddii saameysay waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dembi ah inuu farsameeyay dokumeentiyada qandaraas ay bixisay IEBC oo ku kacayay 107 milyan oo shilin.
Qandaraaskan ayuu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC bixiyay sanadkii 2013-kii.
Gethi ayaa waxaa isku mar la maxkamadeeyay haweeney lagu magacaabo Joyce Makena iyo labo sarkaal oo ka tirsan IEBC.
Go’aanka maxkamadda waxaa shaaciyay garsoore Lawrence Mugambi oo sheegay in saraakiisha dacwad oogidda ay soo bandhigeen caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah afarta eedeysanayaal.
Maxkamadda ayaa loo sheegay in Gethi iyo Makena ay IEBC u gudbiyeen dokumeentiyo faalis ah si ay qandaraas ugu qaataan.
Hasa ahaate waxay maxkamaddu siidaysay labo sarkaal oo ka mid ah guddiga IEBC ka dib markii wax dembi ah lagu waayay.