Guddiga HELB oo aan ganaaxi doonin ardayda aan bixin deynta

0
693

Guddiga HELB oo ardayda dhigta jaamacadaha wadanka siiyo lacago amaah ah ayaa sheegay inuu boqolkiiba boqol ardayda aan bixin lacagaha deymaha ah ee ay qaateen ka cafiyay ganaaxi ay muteysan lahayeen.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday madaxa fulinta ee guddiga HELB Charles Ringera oo sheegay inay tixgeliyeen culeyska dhaqaale ee uu sababay cudurka COVID-19.
Hasa ahaate fursaddan ayay ardayda ka faa’iidaysan karaan ilaa 30-ka bisha Afaraad ee sanadkan.
Madaxa HELB ayaa sheegay in cudurka COVID-19 uu dad badan u horseeday shaqo la’aan sidoo kalena uu caqabad ku noqday ganacsiga.
Waxaa uu intaasi ku daray inay yaraatay miisaaniyadii ay ka heli jireen wasaaradda maaliyadda tani oo saameysay bixinta lacagaha amaahda ah ee ay ardayda qaataan.
Ringera waxaa uu tilmaamay in ganaaxa laga cafiyay ardayda looga gol-leeyahay inay ku dhiiradaan bixinta deymaha lagu yeeshay.
Sanadkii 2013-kii ayay ahayd markii guddiga HELB uu qaaday tallaabadan oo kale oo ay ka fa’iidaysteen 10,110 oo arday ah kuwaasoo bixiyay 1.3 bilyan oo amaah ah.
Sidoo kale sanadkii 2018-kii waxaa guddiga dib ugu soo noqotay lacag dhan 870 milyan oo shilinka dalka ah ka dib markii ay arday dhan 9,998 gudeen deymaha.