KUPPET oo sheegtay in xubnaheeda aynan iska xaadirin doonin meelaha ay amni darrada ka jirto

0
349

Xoghayaha guud ee ururka macallimiinta dugsiyada sare ee KUPPET, Akello Misori ayaa sheegay in barayaasha dalladdan ka tirsan aynan u shaqo tagi doonin xarumaha waxbarasho ee ku yaalla deegaannada uunan amnigoodu sugnayn.
Misori ayaa wacad ku maray inay maalinka Arbacada ah ku dhaqaaqayaan shaqo joojin haddii guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uunan fulin waxyaabo ay dalbanayaan.
Akello Misori, xoghayaha guud ee ururka macallimiinta ee KUPPET oo shalay warbaahinta kula hadlay ismaamulka Kisumu ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay sameyso wax kasta oo karaankeeda ah si ay u xalliso amni darrada ka jirto qaybo ka mid ah wadanka gaar ahaan waqooyiga gobolka Rift Valley.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haddii aan wax laga qaban xaaladda amni ay u badan tahay in macallimiinta KUPPET aynan ka qayb qaadan maareynta imtixaannada qaran ee billaabanaya 7-da bisha saddexaad ee sanadkan.
Mr. Misori ayaa caddeeyay inaynan marnaba ka soo horjeedin qorshaha dowladda ee ay ku maamulayso imtixaannada shahaaddiga ah balse aan loo baahneyn sida uu hadalka u dhigay in macallinku uu naftiisa halis ku geliyo meelaha ay xasilooni darrada ka jirto.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maalin ka hor agaasimaha guud ee waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji uu sheegay inuu dacwad ku soo oogaya saraakiisha sar sare ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC maadaama uu ku eedeynayo inay ka gaabiyeen xaqiijinta badqabka macallimiinta wax ka dhigo dugsiyada dalka qaar ka mid ah gaar ahaan kuwa waqooyiga dalka iyo qaybo ka mid ah Rift Valley.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha, uu ururka macallimiinta ee KUPPET ka codsaday inuunan ku tallaaba qaadin shaqo joojinta u qorsheysan.
Magoha ayaa mas’uuliyiinta sare ee dalladdan weydiistay inay dib uga fikiraan go’aankooda si aynan u carqaladeyn habsami u socodka imtixaannada qaran.
Hasa ahaate waxaa uu wasiir Magoha hadda sheegaya in imtixaannada qaran ay si habsami leh u billaaban doonaan in kastoo KUPPET ay shaqo joojin ku hanjabtay.