Isbeheysiga siyaasadeed ee One Kenya Alliance ama (OKA) ayaa dib u dhigay soo bandhigidda musharraxa ku matali doono loolanka madaxtinnimo ee bisha Siddeedaad ee sanadkan iyo saxiixidda heshiis iskaashi.
Waxaa arrinkan shaaciyay afhayeenka isbeheysiga OKA Fredrick Okango.
Go’aankan ayuu u aaneeyay mid fursad siinaya in la qaabilo saaxiibbo dheeraad oo siyaasadeed.
Bayaan uu soo saaray ayuu Okango ku xusay inay weli helayaan codsiyo ku aaddan ururro doonaya inay la shaqeeyaan.
Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Matungulu ee ismaamulka Machakos Stephen Mule uu sheegay in madaxda OKA la filayo inay yeeshaan kulan ay albaabada u xiran yihiin si ay ugu heshiiyaan astaanta isbeheysiga iyo midibbada ka hor inta aynan dhinacyada kale ku biirin.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan sheegay in isaga iyo Raila Odinga ay qorsheyeen inay si wadajir ah u qabtaan isku soo bax lagu soo bandhigaya qaabka cusub ee dhaqdhaqaaqa Azimio la Umoja oo ay ku midoobayaan ku dhawaad 15 xisbi.
Isbeheysiga OKA ayaa waxaa xubno ka ah xisbiyada Wiper Party, KANU, Kenya Democratic Party iyo Narc-Kenya waxaana la filayaa inay heshiis la gaaraan hiigsiga mideynta bulshada ee Azimio La Umoja oo ay hor kacayaan madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Dhanka kale xildhibaanka deegaanka Koonfurta Gatundu ahna madaxa xisbiga Chama Cha Kazi ama (CCK) Moses Kuria ayaa shardi ka dhigay in si uu ula shaqeeyo OKA ay tahay inaynan ku biirin Azimio.