Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuusan taageerada uu u muujiyay musharraxnimada madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ka lahayn dani isaga khaas u ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu aaminsan yahay in Mr. Odinga uu aad u jecelyahay danta qaranka iyo kenyaanka si wayna uu qalbiga ugu hayo.
Mr. Kenyatta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliilaha loo jeedinaya ee ah in sababta uu u taageerayo Raila ay tahay ilaalinta danihiisa shakhsiyadeed.
Waxaa uu ku celceliyay inuusan waxba uga baahneyn ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka balse uu doonayo inuu hoggaanka ku wareejiyo sida uu hadalka u dhigay siyaasi talada lagu aamini karo.
Uhuru Kenyatta oo Mr. Odinga ku tilmaamay waddani ayaa xusay in maamulka Jubilee ay waxyaabo badan u qabsoomeen muddo xileedkiisa labaad marka loo barbardhigo shanti sano ee hore.