Kenya oo laga xusayo maalinta caalamiga ee hay’adaha aan dowliga ahayn

0
340

Kenya ayaa ka mid ah waddamada dunida ee maanta laga xusayo maalinta adduunka ee hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs oo sanad walbo loo dabbaal dego 27-ka bisha Febraayo.
Golaha ay ku mideysan yihiin hay’adaha aan dowliga ahayn ee Kenya ayaa munaasabaddan awgeed qabanqaabiyay wada hadal heer qaran ah .
Kulanka ayaa diiradda lagu saaraya kaalinta ay hay’adahan iyo ururrada bulshada ku leeyihiin arrimaha nabadda , horumarka dhaqaale iyo bulsho sidoo kale in Kenya ay bisha Siddeedaad ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
Maalintan ayaa loogu tala galay in lagu aqoonsado , la sharfo sidoo kalena laga mahadceliyo dadaallada hay’adaha aan macaash doonka ahayn iyo howlwadeenada ka tirsan ee bulshada u adeego.
Xuskan ayaa sidoo kale looga gol-leeyahay in dadka lagu dhiirrigeliyo inay kaalin firfircoon ka qaataan hay’adaha aan dowliga ahayn iyadoo la xoojinayo xiriirka kala dhexeya kuwa dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Dabbaal-degga maalinta adduunka ee hay’adaha NGOS-yada ayaa waxaa ka qayb qaata ilaa 89 waddan oo ku yaalla qaarado kala duwan waxaana ku badan kuwa Yurub sida Poland, Ruushka, Norway, Sweden, Belarus, Estonia, Latvia iyo Lithuania.