Wasiirka arrimaha gudaha oo nabad galyo ugu baaqay shacabka saddex ismaamul

0
512

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa dadweynaha ku nool dowlad deegaannada Nyamira, Narok iyo Bomet u soo jeediyay inay nabadda ku dadaalaan ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan.
Wasiirka oo shacabka saddexda ismaamul ku ammaanay qaabka ay uga wada shaqeeyaan ciribtirka dagaalo beeleedyada ayaa ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada noolaanshahooda.
Matiang’i ayaa sheegay in dowlad deegaanadaasi ay dagaal beeleedyo saameeyeen intii u dhexeysay 1970 ilaa 1990-kii.
Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tobankii sano ee ugu dambeeyay aynan jirin dhacdooyin waawayn oo ku saleysan khilaaf qabiil.