Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wacad ku maray inuusan isaga bixi doonin caasimadda wadankaasi ee Kyiv, ilaa inta ciidamadiisa ay kasoo gabagabeynayaan waxa uu ku tilmaamay iska caabinta.
Waxaa uu sheegay in xalay uu Ruushka sii kordhiyey duqeymaha caasimadda uu ku hayo.
Dhanka kale ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ugu baaqay inuu soo afjaro rabshadaha dowladdiisa ay kawada gudaha Ukraine, xilli labada mas’uul ay khadka teleefoonka kuwada xiriireen.