Barasaabka dowlad deegaanka Makueni Prof. Kivutha Kibwana ayaa xisbiyada aan saameynta badan lahayn ee ka jiro gobollada wadanka u soo jeediyay inay iskaashi la yeeshaan isbeheysiyada siyaasadeed ee waawayn.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay xoojinayso dimuqraadiyadda Kenya.
Kibwana ayaa barta Twitter-ka ku xusay inaysan micno wayn ku fadhin jiritaanka 90 xisbiyo siyaasadeed ah.
Dhawaan ayay ahayd markii xisbiga uu barasaabka Makueni hoggaamiyo ee Muungano shaaciyay inuu bisha siddeedaad ee sanadkan taageeri doono musharraxnimada madaxweynenimo ee Raila Odinga.
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha Makueni oo ku taliyay in xisbiyada yaryar ay iskaashi la sameeyaan...