Booliska oo dilay horjoogaha burcad dhibaateynaysay dadweynaha Mathare

0
442

Laamaha ammaanka ee dalka ayaa toogasho ku dilay hoggaamiyaha kooxda burcadda ee Katombi oo falal dambiyeedyo ka gaysatay deegaanka Mathare ee magaalada Nairobi.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa shakhsiga la dilay magiciisa ku sheegtay Jakande Kabende.
Kabende oo sidoo kale loo yaqaanay Kababa ayaa hoggaanka kooxda qabtay ka dib markii labo toddobaad ka hor saraakiisha booliska ay dileen Fadhili Mgaza.
DCI ayaa laga soo xigtay in burcaddan ay falal dambiyeedyo kala duwan uga fulisay gudaha iyo agagaarka Mathare hasa ahaate ka dib markii xog laga helay shacabka laga takhalusay Kabende oo madax u ahaa.
Dhacdooyinka lala xiriiriyay waxaa ka mid ah boob hub loo adeegsaday oo hanti looga qaatay dadka ku nool xaafadda Bondeni oo ka tirsan deegaanka Mathare.
Booliska ayaa kenyaanka ka codsaday inay kala shaqeeyaan cirib tirka kooxaha wax u dhimaya xasiloonida guud.