DHAGEYSO:Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

0
352

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamad Ibraahim Macallimuu ayaa Maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ka dib markii uu kasoo bogsaday qaraxii uu ku dhaawacmay ee lala eegtay bartamihii bishii hore.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Bahda Saxaafadda, Ehelkiisa iyo qaar kamid ah saaxiibbadiis.
Maxamad Ibraahim Macallimuu ayaa ku dhaawacmay qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday 16-kii bishii hore, waxaana dhaawac kasoo gaaray lagu soo daaweeyay dalka Turkiga.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan tegi doona Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan si uu ugu tartamo kursi ka mid ah baarlamaanka 11-aad ee golaha shacabka Soomaaliya.
Maxamad Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ka dib markii garoonka lagu soo dhaweeyay ayuu yiri