Maamulka gobolka Gedo oo war kasoo saaray doorashada degmada Garbahaarey

0
489

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmad Buulle Gareed ayaa ka hadlay doorashada 16-ka kursi ee taalla gudaha magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi, kuwaas ay hareeyeen muranno xoogan.
Buulle ayaa shaaciyey in mas’uuliyadda ugu wayn ay saaran tahay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay in doorasho ay ka dhacdo Garbahaarey.
Guddoomiyaha ayaa xusay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin qabashada doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaarey.
Waxaa uu intaasi ku daraya in doorashada ay u dhici doonto si xor iyo xalaal ah.