Musharrax madaxweyne Jimmi Wanjigi oo ku adkeystay inuu ka qaybgeli doono kulanka ergada qaran ee ODM

0
578

Ganacsadaha lagu magacaabo Jimi Wanjigi sidoo kalena ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee doorashada guud ee sanadkan ayaa ku adkeystay inuu ka qaybgeli doono shirweynaha ergada qaran ee xisbiga ODM ee lagu wado in uu qabsoomo 26-ka bishan labaad oo ku beegan maalin Sabti ah.
Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu muujiyay inuu yahay ergo daacad ah, islamarkaana cidna aysan xaq u lahayn inay ka hor istaagto ka qaybgalka shirweynaha xisbiga ODM.
Waxaa uu dhanka kale xisbiga ODM ku eedeeyay inay gacan bidixeeyeen, ka dib markii uu sheegay in uu danaynayo u tartamida xilka madaxtinimo ee doorashada guud bisha siddeedaad ee sanadkan.
Mr.Wanjigi ayaa intaasi ku daray in aan laga hor istaagi karin hamigiisa siyaasadeeed ee ah inuu tartamo.
Ganacsadaha ayaa sidoo kale ku adkeystay in uusan ka tagi doonin xsibiga ODM, maadaama uu maalgelin xoog leh ku sameeyay xisbigaasi.