DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo u qabtay hoggaamiyayaasha Marsabit muddo 2 todobaad ah si ay u soo afjaraan colaadaha

0
341

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa muddo laba toddobaad ah u qabtay hoggaamiyayaasha ismaamulka Marsabit inay la yimaadaan xal waara oo lagu soo afjarayo colaad beeleedda ragaadisay howlaha dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu uga digay madaxda in haddii aan la helin istaraatiijiyad la taaban karo oo lagu joojinayo colaadaha ismaamulkaasi ka jiro ay dowladda ku qasbanaan doonto in ciidan halkaasi gayso oo soo afjaro amni darrada curyaamisay qaybo ka mid ah dowlad deegaankaasi.
Mr.Kenyatta ayaa mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Marsabit ugu baaqay inay wada fadhiisataan islamarkaana ay go’aansadaan inay nabad kuwada noolaadaan.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in hoggaamiyayaasha Marsabit ay beddelaan hab dhaqankooda, islamarkaana ay kawada shaqeeyaan horumarinta midnimada halkii ay bulshada dhexdeeda ka hurin lahaayeen colaad.
“Nabaddu waa shay muhiim ah oo faa’iidooyin badan keenaya, halkii aad diiradda saari lahayd dagaal iyo isku dhacyada yaryar ee qabaa’ilka ah, waxaad diiradda saartaan sidii aad kor ugu qaadi lahayd nolosha dadka ku nool ismaamulka Marsabit,” ayuu yiri madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale xaqiijiyay in dowladda ay sidoo kale dib u eegis ku sameyn doonto booliska la geynayo gobolka waqooyi bari ee wadanka, si wax looga qabto caqabadaha dhanka ammaanka.
Mr. Kenyatta ayaa ka hadalkan jeediyay xilli uu gelinkii dambe ee shalay aqalka madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ku qaabilay wufuud ka kala yimid ismaamullada Marsabit, Isiolo, Tana River iyo sidoo kale barasaabka dowlad deegaanka Mandera Cali Ibraahim Roba.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka yiri