Madaxweynaha Ukraine oo sheegay inaysan cabsi gelineenin tallaabada uu Ruushka qaaday

0
533

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in tallaabada uu Ruushka qaaday aysan cabsi gelineynin dowaladdiisa iyo shacabka dalkaasi.
Waxaa uu tallaabadan ku tilmaamay ku xad gudub sharafta iyo madax banaanida dalkiisa.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo uu Ruushka dalal u aqoonsatay madax banaanida laba gobol oo ka go’ay bariga wadanka Ukraine.
Dalalka reer galbeedka ayaa marar badan uga digay Ruushka inuusan si rasmi ah u aqoonsan gobollada Donetsk iyo Luhansk ee gooni u goosadka ah.
Maraykanka ayaa dhanka kale ku tilmaamay tallaabada uu qaadi madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin mid ah xadgudub aan laga fiirsan oo lagu sameeyay madax banaanida Ukraine iyo sumcadda dhuleed ee wadankaasi.
Dhanka kale golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa shir degdeg ah ka yeeshay tallaabada uu Ruushka qaaday.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay xasaarad u dhexeyso Ukraine iyo dalka dariska la ah ee Ruushka oo lagu eedeeyay inuu hub culus iyo qiyaastii 100,000 oo askari uu geeyay meel u dhow xadka uu dalkaasi la wadaago.
Ruushka oo lagu tuhmay inuu qorsheynayo duullaan ka dhan ah Ukraine ayaa taasi iska fogeeyay.