Dowladda Ruushka ayaa lagu soo warramayaa inay dalal u aqoonsatay madax banaanida laba gobol oo ka go’ay bariga dalka Ukraine.
Ruushka ayaa saacado ka dib sheegay inay halkaasi ciidamo gaynayaan si ay xasiloonida goobtaasi u sugaan.
Maraykanka ayaa ku tilmaamay tallaabada uu qaadi madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin mid ah, xadgudub aan laga fiirsan oo lagu sameeyay madax banaanida Ukraine iyo sumcadda dhuleed ee wadankaasi.
Ruushka oo in ka badan 100,000 oo ciidamo ah geeyay meel u dhow xadka uu la wadaago Ukraine oo ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ku eedeeyeen inuu damacsan yahay duullaan ayaa dhaliishaasi iska fogeeyay.
Waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay sii xoogeysanayay dadaallo looga hor tagayo in labada dowladood ee dariska ah uu dagaal dhex maro.