Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista dowladda Isku tagga Imaaraadka Carabta ee UAE-da, ee ku aadan inay Kenya ay ka dhisto xarun hal abuur oo wax soo saarta iyo mid ganacsi.
Arrintaan ayaa qayb ka ah qodobbadii ka soo baxay wadahadalladii labo geesoodka ahaa ee uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta la qaatay hoggaamiyaha wadankaasi Sheekh Maxamad Bin Zayed Al Nahyan iyo ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo safar saddex cisho ah ku joogay dalkaasi ayaa soo dhaweeyay in Imaaraadka uu Kenya ka sameeyo xarun hal abuur ah iyo mid ganacsiga lagu kobcinayo.
Kenya iyo Imaaraadka ayaa waxaa ka dhexeya xariir iyo iskaashi soo jireen ah.
Imaaraadka ayaa loo suuq geeyaa badeecooyin uu ka mid yahay ubaxa oo ku kacaya in ka badan 2.6 bilyan oo doolar.