Guddiga adeegga garsoorka qaybteeda qaabilsan tababarrada ee KJA ayaa billaabay tababarro ku saabsan la tacaalidda murannada ka dhasha doorashooyinka.
Waxaa barnaamijkan loo tababarayaa howlwadeeno gaaraya 1,000.
Tababarkan waxaa bixinaya guddiga arrimaha doorashooyinka ee garsoorka dalka ee (JCE).
Waxaa tababarkii ugu horreeyay ee garsoorayaasha barnaamijkan loo tababaraya la qabtay intii u dhexeysay 16-kii ilaa 18-kii bishan.
Waxaa sidoo kale dabayaaqada bishan la qaban doona tababar la siinayo garsoorayaasha maxkamadaha sare ee wadanka.
Dhanka kale madaxa waaxda cadaaladda ee Kenya Martha Koome ayaa laga soo xigtay in saraakiisha barnaamijkan ka faa’iidaysanaya ay isugu jiraan 600 oo garsoorayaal ah iyo 400 oo ah shaqaalaha dheeraadka ee waaxda cadaaladda.
Waxaa ay sidoo kale sheegtay in guddiga JCE uu dhaqangelinayo qorsho–howleed looga gol-leeyahay in waaxda cadaaladda ay si buuxda ugu diyaar garowdo maareynta khilaafyada ka hor doorashada iyo marka la soo gabagabeeyo ka dib.
Martha Koome ayaa kenyaanka u xaqiijisay in waaxda ay hoggaamiso ay ka go’an tahay ilaalinta cadaaladda iyo hufnaanta geeddisocodka doorasho.
Home Wararka Kenya Guddiga JCE oo tababar uu billaabay saraakiisha garsoorka ee loo xilsaaray maaraynta...