Doorasho maanta ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xildhibaanimo loogu doortay la taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Fahad waxa uu heley 70 cod, halka musharrax Axmad Dayib Axmad (Dhagacaleyn) uu heley 24 cod, 3 codna ay halaabeen sida uu shaaciyay guddiga doorashada Hirshabeelle.
Magaca rasmiga ah ee guddiga ay ugu yeereen Fahad ayaa ah Fahad Daahir Axmad.
Kursiga tirsigiisu yahay 086 waxa horay ugu fadhiyay Faarax Cabdiqaadir oo aan ilaa iyo hadda warbaahinta la hadlin, tartankana aanan ka qaybgalin.
Meeshii lagu dooranayay Fahad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.
Mar sii horeysey saakay, war lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada heer federaal ay hakiyeen kursiga 086 ee Fahad loo doortay maanta.
Waxaa kale oo maalmahan jiray isqabqabsi u dhaxeeya guddiyada heerarka kala duwan oo ku saabsan kursiga.