Wakiilka sare ee Kenya u fadhiya dalka Nigeria oo geeriyooday

0
424

Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday wakiilka sare ee Kenya u fadhiyay dalka Nigeria Wilfred Machage.
Machage ayaa dhintay isagoo da’adiisu ahayd 65 sano jir ah.
Mid ka mid ah wiilasha uu dhalay oo lagu magacaabo Steve Machage ayaa laga soo xigtay in aabihiis uu geeriyooday xilli xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay isbitaal ku yaalla dalka Nigeria.
Mas’uuliyiintii ugu horreeyay ee geeridiisa ka tacsiyeeyay waxa ka mid ah, xildhibaanka laga soo doortay deegaanka bariga Kuria Marwa Kitayama iyo dhiggiisa galbeedka Kuria Mathias Robi ee kawada tirsan ismaamulka Migori.
Waxaa ay mas’uulka geeriyooday ku sifeeyeen inuu ahaa shakhsi astaan uu ah midnimada bulshada deegaanka Kuria ee ismaamulka Migori islamarkaana la tabi doono.
Mr. Machage ayaa markii ugu horreysay loo doortay xildhibaan si uu u matalo shacabka deegaanka Kuria ee sanadkii 2002-dii.
Waxaa uu sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddi madaxweynihii labaad ee daka ee Daniel Arap Moi, waxaana mar loo magacaabay wasiir ku xigeenka arrimaha bulshada ee bariga Afrika.
Sanadkii 2013-kii, Mr. Machage ayaa loo doortay senatarkii ugu horreeyay ee ismaamulka Migori isagoo xilkan hayay ilaa 2017-kii.
Bishii Koowaad ee sanadkii 2018-kii, madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay Machage safiir ka hor inta aan loo magacaabin inuu noqdo wakiilka sare ee Kenya u fadhiya dalka Nigeria iyo 12 dal oo kale oo ku yaalla bartamaha iyo galbeedka qaaradda Afrika.
Waxaa uu xilkan hayay ilaa geeridiisa.