Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caddeysay in heshiiska uu saxiixay Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7-dii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka iyo go’aankii Golaha Wasiirrada ee lagu caddeeyay in heshiis kasta uu soo maro Golaha Wasiirrada, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiixay Wasiirka Batroolka.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya ayaa mar kale faray dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida qaranka.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamad Axmad ayaa shalay ka warramey heshiis la sheegey in ay Soomaaliya la gashey shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasi oo ay shidaal uga soo saarreyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.
Heshiiskan oo xafiiska madaxweynaha iyo kan Ra’iisul wasarahuba ay diideen jiritaankiisa iyo ogaanshiyihiisa ayuu wasiirku sheegey inuu Soomaaliya u yahay fursad dhaqaale iyo mid wax soo saar ah.