Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay, 20 kalena wey ku dhaawacmeen weerar is qarxin ah oo lagu qaaday makhaayad ku taalla bartamaha magaalada Beledweyne, sida ay saraakiisha caafimaadka sheegeen.
Xaalad jahwareer ah ayaa ka taagan goobta qaraxu ka dhacay, waxana socda gurmad loo sameynayo dadka dhibaatadu ku dhacday.
Beledweyne waxay isu diyaarinaysaa maalinta berri ah, inay ka bilaabato doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Dadka dhintay ayaa la sheegayaa inuu ku jiro Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha Bulshada magaalada Beledweyne.
Waxaa sidoo kale dadka dhintay ku jiray Alle ha u Naxariistee Maxamad Cabdullaahi Nuur oo u sharraxnaa kursiga tirsigiisu ahaa HOP03 iyo Musharrax Xildhibaan Abtiyow.