Ciidamada Faransiiska ee laga saaraya Mali oo sugaya amniga Niger

0
875

Madaxweynaha dalka Niger Maxamad Bazoum ayaa sheegay inay oggolaadeen in ciidamada dowladda Faransiiska iyo saraakiisha gaarka ah ee Yurub loo soo wareejiyo dhanka xadka wadankaasi uu la wadaago Mali si ay ammaanka u sugaan.
Bazoum, hoggaamiyaha Niger ayaa Twitter-ka ku sheegay in ujeeddada ay leeyihiin ay tahay inay adkeeyaan amniga soodhinta kala dhexeysa wadanka dariska la ah ee Mali.
Waxa uu tani u aaneeyay in ay jirto halis uga soo wajahan kooxaha hubeysan ee Mali .
Arrintan uu shaaciyay madaxweyne Bazoum ee maanta ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii Faransiiska iyo saaxiibadiisa Yurub ay shaaciyeen inay ciidamadooda kala baxayaan gudaha wadanka Mali.
Ciidamada ayaa muddo halkaasi kula dagaallamayay kooxo hubeysan oo ku sugan waqooyiga gobolka Sahel.