Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto , hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ayaa lagu wadaa inay maanta ololahooda siyaasadeed u bandhigaan dadweynaha ku nool dowlad deegaanka Kirinyaga ee bartamaha wadanka.
Ruto iyo xulafadiisa ayaa isku soo baxyo kala duwan ku qaban doono degmooyinka Sagana, Kibingoti iyo Kianjanga ee deegaanka Ndia.
Waxaa uu qorshuhu yahay in siyaasiyiinta bishii hore ku midoobay dalladda Kenya Kwanza ay abaare 12-ka duhurnimo ee maanta u gudbaan degmada Mukinduri ee bartamaha Kirinyaga ka hor int aynan gaarin deegaan baarlamaneedka Gichugu .
Madaxdan ayaa dadweynaha ka codsanaya inay taageero u muujiyaan 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan oo lagu wado in Kenya ay ka dhacdo doorashada guud.
Waxay adeegsanayaan xeeladda siyaasadeed ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo iyadoo si gaar ah loo garab istaagaya dhallinyarada shaqo la’aanta ah , ganacsatada yaryar iyo danyarta.
Ruto, Musalia iyo Mudavadi ayaa ballanqaadaya in hadii mid ka mid ah uu ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya wadanka ay wax ka beddeli doonaan dhaqaalaha Kenya oo saameyn wayn uu ku yeeshay cudurka COVID-19.