Guddoomiyaha aqalka sare oo sheegay inuunan ku biirin isbeheysiga Kenya Kwanza

0
490

Guddoomiyaha aqalka sare Kenneth Lusaka ayaa sheegay in isagoo u maraya xisbiga Ford-Kenya uunan ku biirin isbeheysiga Kenya Kwanza.
Lusaka ayaa hoosta ka xarriiqay inay dhab tahay inuu kulan la qaatay hoggaamiyaha Ford-Kenya ahna senatarka Bungoma Moses Wetangula.
Hasa ahaate waxaa uu xusay in kulankaasi uu ahaa keliya mid wadatashi ah oo ka mid ah shirarka uu qabanaya ka hor inta aan la kala dirin aqalka senate-ka.
Ken Lusaka ayaa caddeeyay intii kulanka uu socday inaynan marnaba ka wada xaajoon ku biiridda Ford-Kenya.
Hadalka guddoomiyaha aqalka sare ayaa yimid ka dib markii ilo wareed aad ugu dhow ay idaacadda Capital u sheegeen inuu ka mid noqday xubnaha xisbiga Ford-Kenya.