11 ka mid ah ismaamullada dalka oo ilaa iyo hadda ansaxiyay qorshaha BBI

0
548

Wakiillada golayaasha hoose ee 11 ka mid ah ismaamullada wadanka ayaa ilaa iyo hadda ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI ee dhigaya in miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda dhexe siiso ismaamullada ooh adda ah boqolkiiba 15 la gaarsiin doono 35 boqolkiiba.
Dowlad deegaannadan ayaa kala ah Vihiga, Laikipia , Nairobi, Kisii
Galbeedka Pokot , Busia, Homa Bay, Kisumu ,Siaya, Trans Nzoia iyo Kajiado .
Ilaa iyo hadda meel marinta hindise sharciyeedka BBI ayaa laga diiday keliya ismaamulka Baringo in kastoo dacwad arrinkaas looga soo horjeedo maxkamadda loo gudbiyay.
Waxay tani micnaheedu tahay in loo baahan yahay taageerada 13 ismaamul oo dheeraad ah si loo helo ugu yaraan 24 dowlad deegaan oo qorshaha aftida loogu gudbiyo baarlamaanka ka dibna loogu codeeyo.
Ismaamullada Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet ,Kericho ,Kilifi, Kwale, Lamu iyo Taita Taveta ayaa qorsheynaya in ay qabtaan kulamo dadweynaha ay kaga ra’yi dhiibanayaan hindisaha BBI.