Khasaaraha ka dhashay daadadka Brazil oo sii kordhay

0
365

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay roobab culus oo ka da’ay galbeedka magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.
Roobabka oo sababay daadad iyo dhul go’ ayaa waxaa ilaa iyo hadda ku nafwaayay ugu yaraan 94 qof.
Roobabka ayaa shalay da’ayay saddex saacadood oo xiriir ah.
Duqa magaalada Rio de Janeiro Claudio Castro ayaa sheegay in tirada dhimashada ay sare u sii kici karto maadaama ay weli socdaan howlaha samatabixinta.
Sidoo kale waxaa hooy la’aan noqday ilaa 400 oo qof.
Castro ayaa sheegay in xaaladda halkaasi ka taagan ay la mid tahay jawi daggaal oo la doonayo in si wayn looga falceliyo.
Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa dhankiisa hay’adaha dowladda ku amray inay si degdeg ah taageero u gaarsiiyaan dadka ay saameynta ka soo gaartay daadadka iyo dhul go’a.