Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu Isniintii jeediyay oo ahaa in xitaa hal nee foo lo’ ah aan laga helin jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Tani ayaa timid ka dib markii dareenkii uu muujiyay ay ka dhalatay dhaliil maxalli iyo mid caalami ah labaduba.
Ruto ayaa hadalka uu jeediyay ee la qoonsaday sidatan u dhigay
Madaxa dhanka isgaarsiinta ee ololihiisa madaxweynenimo Xuseen Maxamad ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay suurtagal tahay in si khaldan loo fahmay hadalka madaxweyne ku xigeenka hasa ahaate uu ka xun yahay oo uu ka raali gelinaya cid kasta oo dhibsatay.
William Ruto ayaa sheegay inuu sharaf iyo tixgelin wayn u hayo dadka iyo dowladda DRC.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu farriin u dirayay shacabka ismaamulka Nyeri oo uu doonayay inay ka faa’iidaystaan suuqa ay u iibgeyn karaan wax soo saarkooda sida caanaha sidaas awgeedna uu DRC u soo qaatay tusaale ahaan.
Raaligelinta uu bixiyay madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa timid ka dib markii Francine Muyumba oo ka mid ah senatarrada Congo iyo xoghaynta xisbiga ODM ay ka dalbadeen inuu hadalkaasi ka laabto oo uu cafis weydiisto dowladda iyo shacabka DRC.