Dadweynaha ku nool degmada Bura ee ismaamulka Garissa ayaa loogu baaqay inay saraakiisha ammaanka si dhow ugala shaqeyaan ka hor tagga falalka amni darro.
Thomas Bett oo dowladda dhexe halkaasi ku matalo ayaa shacabka ka codsaday in ay booliska ku wargeliyaan xogaha wax u dhimi karo xasiloonida.
Sidoo kale waxaa uu xaqiijiyay in amniga deegaankaasi si wayn loo sugay si looga hor tago in khalkhal la geliyo imtixaannada qaran ee shahaaddiga ah
Qaar ka mid ah dadweynaha Bura ayaa dhankooda sheegay inaynan marnaba soo dhaweysanayn shakhsiyaadka ku howlan falalka wax u dhimaya xasiloonida guud .