DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Kenya Kwanza oo dhaliil u jeediyay garabka Raila Odinga

0
424

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee isbeheysiga Kenya Kwanza ee kala ah madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto, madaxa ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula oo maanta ololahooda siyaasadeed geeyay ismaamulka Murang’a ayaa dhaliil u jeediyay garabka Azimio ee uu hoggaamiyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
William Ruto ayaa weli ku doodaya in tan iyo markii ay 2018-kii heshiiyeen madaxweynaha dalka iyo Raila Odinga uu hakad ku yimid qorshayaashii horumarineed ee dowladda .
Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa ku doodaya in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uunan lahayn taageero siyaasadeed oo u suurtagelin karta inuu bisha siddeedaad hoggaanka ugu sarreeya uu ku guulaysto.
William Ruto iyo Musalia Mudavadi ayaa sheegay inay doonayaan wax ka qabashada xaaladda dhaqaale ee wadanka.