Gudaha qaaradda Afrika ayaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay dhimasho uu sababay cudurka COVID-19 oo ah in ka badan 100,000.
Isku duwaha barnaamijyada tallaalka ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO xafiiskeeda Afrika, Richard Mihigo ayaa sheegay in kiisaska caabuqa ee sii kordhay ay culeys dheeraad ah ku keeneen dowladaha qaaradda.
Waxaa uu mas’uulkan intaa ku daray in ay jiraan wadamo agabka bukaanka ka caawiyo neef-qaadashada uu gaabad yahay tani oo saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan karto maareynta xaaladaha cudurka.