Booliska Soomaaliya oo faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxyada iyo weeerarradii xalay ee Muqdisho

0
363

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin guud ka bixiyay qaraxyo iyo weerarro toos ah oo xalay laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir iyo duleedkeeda, kuwaas oo gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in Al-Shabaab oo ka xun yihiin horumarka iyo dhismooyinka ka socda degmada Kaxda ay weerarro qaraxyo ah iyo dagaal toos ah ku qaadeen Saldhigga Ciidanka Booliska degmada Kaxda iyo fariisin Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Xaafadda Daarusalaam ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Saxaafadda ayuu uga warbixiyay sida wax u dhaceen afhayeenka booliska.

Waxaa uu dhanka kale shacabka Muqdisho u ballanqaaday inay xaaqiijin doonaan amniga caasimadda iyo badqaabkooda.