Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022.
Xeebaha Soomaaliya ayaa laga aaminsanaa meel halis ah iyadoo aysan jiran warbixin sax ah oo caddeynaysa in ay halis dhanka nabad-geliyaha ah ay ka jirto isu socodka gaadiidka Badda ee marin badeedka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa noqotay mashruuc la buun-buuniyay oo Dowlado shisheeye ay shaqo ka dhigteen, hase ahaatee maalintii shalay ahayd, ayay Dowladda Soomaaliya u suuragashay in gebi ahaanba la xiro mushruucan sumcad xumada xambaarsanaa muddada dheer.
Danjire Abuukar Daahir Cusmaan Baale ayaa Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa ka sheegay in guud ahaanba la joojiyay Mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.
Danjire Abuukar Baale ayaa yiri “shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena sidaas darteed shaqada howlgal caalamiga ee loogu magacdaray La-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arrimo kale oo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka”.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la joojiyay howlgalka burcad badeedda Soomaaliya