Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay saraakiisha sar sare ee dowladda

0
452

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa madaxtooyada wadanka ee State House kulan kula yeeshay xubnaha sar sare ee golaha fulinta.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha horumarineed ee maamulka Jubilee iyo waxyaabaha uu sanadkan si gaar ah mudnaanta koowaad u siin doono.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Kanze Dena ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kulanka ay ka qayb galeen wasiirro , xoghayayaasha joogtada ah, xoghayayaasha wasaaradaha kala duwan u qaabilsan dhanka maamulka iyo mas’uuliyiin kale.
Hoggaamiyaha dalka ayaa shirka ka sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee sanadkan xoogga la saari doono ay ka mid tahay dhameystirka mashaariicda socdo ee horumarineed iyo dhammaan barnaamijyada laga fulinayo gobollada kala duwan ee dalka.
Sidoo kale Kanze Dena ayaa shaacisay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu saraakiisha amar ku siiyay in ay sida habboon u adeegsadaan kheyraadka dadweynaha marka ay u adeegayaan dadweynaha.
Saraakiisha sar sare ee dowladda ayuu madaxweynaha kula dardaarmay inay wada shaqeyaan oo ay midnimo muujiyaan si loogu guulaysto adeegyada loo fidiyo shacabka.