Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii Caawa iyo sidoo kale mowqifkooda ku aaddan bannaanbaxii ay horay u qorsheeyeen ee loo ballansanaa in uu dhaco maanta.
Musharixiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladdu ay kusoo qaadday weerar gardarro ah oo ah daandaansi cad, kaasi oo lagu cabburinayo Madax-bannaanida, waxaana ay tilmaameen in dagaalka Caawa lagusoo qaaday uu ahaa mid nasiib darro ah.
Madaxweynihii hore Soomaaliya sh Shariif Sheikh Axmed oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in caawa dowladdu ay kusoo weerartay beebbayaal, waxaana intaas uu ku daray in ay doonayaan in dagaalka intaasi lagu joojiyo oo uusan dagaal kale dhicin, isagoo tilmaamay in xilligaan aan loo baahnayn dagaal iyo fowdo uu dalku galo.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay bannaanbixii horey loogu dhawaqay kaasi oo musharaxiintu sheegeen in uu dhacayo maanta oo Jimca ah.
Waxaa uu sheegay in dagaalka Caawa lagu soo qaaday uusan ka baajin doonin Mowqifkoodii bannaanbaxa, isagoo shacabka Muqdisho ugu baaqay in isku soo baxaan ayna si weyn kaga dhiidhiyaan falka ay ku kacday Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamad cabdullaahi Farmaajo.
Home Wararka Soomaaliya Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii caawa ka dhacay agagaarka daljirka...