Ismaamulka Nairobi ayaa noqday dowlad deegaankii 11-aad ee ansaxiyo hindisaha BBI ee ku aaddan wax ka beddelka dastuurka wadanka u degsan.
114 ka mid ah wakiillada caasimadda dalka ayaa u codeeyay taageerida geddisocodkan.
Waxaa kal-fadhiga ee wakiillada golaha hoose ee Nairobi ku ansixiyeen geddisocodkan goobjoog ka ahaa senetarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja, xildhibaanka bariga Embakaasi Babu Owino, mudanaha aqalka baarlamaanka sida magacaabidda ku galay Maina Kamanda, xildhibaanka deegaanka Makadara George Aladwa iyo wakiilkii hore ee haweenka ee Nairobi Rachel Shebesh.
Waxaa horay tallaabadan mid la mid ah u qaaday wakiillada dowlad deegaannada Galbeedka Pokot , Busia, Homa Bay, Kisumu, Siaya, Trans Nzoia, Kajiado, Kisii, Vihiga iyo Laikipia.
Dhanka kale wakiillada dowlad deegaanka Laikipia ayaa noqday ismaamulkii ugu horreeyay ee gobolka bartamaha dalka ee ansixiyo BBI.
Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Baringo ayaa diiday in ay ansaxiyaan hindise sharciyeedkan in kastoo dacwad arrinkaas looga soo horjeedo maxkamadda loo gudbiyay.
Waxay tani micnaheedu tahay in loo baahan yahay taageerada 13 ismaamul oo dheeraad ah si loo helo 24 ismaamul oo qorshaha aftida loogu gudbiyo baarlamaanka ka dibna loogu codeeyo.