Uganda oo ka baaran dagaysa inay xirto qofkii diida qaadashada tallaalka COVID-19

0
700

Dowladda dalka Uganda ayaa ka fikiraysa suurtagalnimada ah in xabsiga la dhigo ciddii iska diida in laga tallaalo caabuqa corona.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii isbeddel lagu sameeyay xeerarka caafimaadka dadweynaha ee dalkaasi.
Tallaabooyinka ku cad isbeddelladan waxaa ka mid ah in cidii aan u hoggaansamin xeerarka ka dhanka ah corona ee tallaal qaadashadu ay ka midka tahay ganaax la saaro ama muddo 6 bilood ah la xiro.
Waxaa tani durbaba dhaliilay kooxaha u ololeeya xuquuqul aadanaha ee Uganda oo ku tilmaamay ciqaab ka dhan ah muwaadiniinta.