Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe u qaabilsan degmada Isinya ee ismaamulka Kajiado ,Justus Musau ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ay gacanta ku dhigeen burcad ka kooban 6 xubnood oo shacabka dhibaatooyin u gaysta.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliska ee Kajiado.
Musau ayaa warbaahinta u sheegay inay raadinayaan shakhsiyaad kale oo baxsad ah.
Waxaa uu xusay in mid ka mid ah tuhmanayaasha la qabtay uu dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Burundi.
Mas’uulkan ayaa carrabka ku dhuftay in burcadda ay falal dhac ah ka gaysanayeen xaafado ku yaalla magaalada Kitengela ee Kajiado iyo xita ismaamulka Machakos gaar ahaan Athi River iyo Mlolongo iyagoo bartilmaameedsanaya agabka elektoroniga ah.
Justus Musau ayaa ugu dambeyn shacabka ka codsaday inay saraakiisha ammaanka la wadaagaan macluumaadka fududeyn karo in la soo qabto afarta eedeysanayaal ee dhuumaaleysanaya.